Guddiga Doorashada ayaa ku dhawaaqay natiijada horudhaca ah ee cododka la tiriyey degmada Ufayn.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/10/degmada-Ufayn-tirinta-cododka3.jpg)
Degmada Ufayn ee gobalka Bari ayaa waxay codbixinta ka dhacday 11 xarumood / seejooyin, kuwaasi oo 2 kamid ah ku yaalaan gudaha magaalada Ufayn, halka 9ka kale ay yaaleen tuulooyinka hoostaga degmada.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/10/degmada-Ufayn-tirinta-cododka2.jpg)
Natiijada horudhaca ah ayaa muujineysa ururka Madaxweyne Deni ee KAAH inuu ugu codod badan yahay isagoo helay 1.687 cod, iyadoo ay kusoo xigaan ururada Mideeye (1.300) iyo Cadaaladda & Sinaanta (1.248).
Ma jiro urur heysta aqlabiyadda cododka taasi oo keeni doonta in isbaheysiyo lagu soo dhiso maamulka degmada.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/10/Natiijo-Ufyan261021-1111x720.jpg)
Waxaa naatiijada horudhaca ah ay sidoo kale muujineysaa inay yartahay tirada cododka khaldamaya ama xumaaday iyo waliba cododka la isku heysto.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/10/degmada-Eyl-tirinta-1080x720.jpg)
Degmada Eyl oo cododkeeda la tiriyey ayaa lagu wadaa in dhawaan lagu dhawaaqo, waana degmada labaad ee ugu weyn sadexdda degmo oo ay codbixinta ka dhacday.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/10/degmada-Qardho-Tirinta-1080x720.jpg)
Waxaa weli socota tirinta cododka degmada ugu weyn ee Qardho oo ay xalay illaa saqdhexe ay codbixinta ka socotay maadaama ay aad u badnaayeen dadka degmadaasi cododka ka dhiibtay.
Horseed Media