Nidaamka xisbiya ee Puntland: Himilo la gaari waayey iyo xujo taagan, maxaa ka run ah Madaxweyne Deni?

Published: August 20, 2022
Dedni doorasho

Puntland waxay u dabaaldegtey rubuc qarni ka soo wareegay asaaskeedi, waxay u muuqata inay gelayso xaalad ka duwan 17kii sano ee u danbeysey oo afar Madaxweyne lagu doortey nidaam heshiis lagu yahay ee 8 Janaayo, lifaaq la sameeyey 2004, oo dastuurka la socda.

Dhegayso Podcast Somalia is rising: Barnaamijka xisbiyada ee Puntland

Doorashadii ugu danbeysey ee 2019 waxaa xilka loo dhaariyey oo ku guuleystey Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, muddo shan sano ah in uu adeege u noqdo shacabka Puntland, waxaana hadda gabaabsi ah muddo xileedkii loo dhaariyey.

Tan iyo doorashadii 2019 Mudane Siciid Deni wuxuu wakhti aad u badan geliyey sidii uu Madaxweyne uga noqon lahaa dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa si weyn loogu kala aragti duwanaa in Madaxweynaha indhihiisu qaban waayeen Puntland-tii weyneyd ee loo dhaariyey, doonitaankiisi Muqdisho waxaa Puntland uga baxay dhaqaale aad u badan iyo wakhti, Puntland u baahneyd in iyada la geliyo.

Damacii Madaxweynaha Puntland in uu dowladda federaalka u tartamo ma ahayn wax lagu ceebayn karo, waana qariiso ku abuuran in badan oo bini’aadamka kamid ah, laakiin ma ahayn shaqadii shacabka Puntland ay ka sugayeen ee loo dhaariyey.

ISBEDDEL SIYAASADEED

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxaa si weyn loogu amaaney oo loo soo dhaweeyey, markii uu xilli hore ee bilowgii muddo xileedkiisa go’aansadey in uu dhaqaajiyo barnaamijka ururada siyaasadeed kaas oo Puntland u horseedi lahaa isbeddel siyaasadeed tan iyo markii Puntland la dhisey. Si wanaagsan ayaa loo soo dhaweeyey nidaamka xisbiyada badan, waxaana ka qayb-qaatey dhamaan siyaasiyiinta Puntland mucaarad iyo muxaafid oo xilli hore furtey ururo siyaasadeed.

Sanadkii 2021 bishii Oktoober ayaa doorasho lagu sheegay hordhac mararka qaar-koodna loogu yeero TIJAABO laga qabtey saddex degmo, sababta loo soo hormariyey ayaa lagu sheegaa arrimo dhawr ah oo ay kamid yihiin:

  1. In casharo laga barto maadaama ay tahay doorashadii u horeysey ee dalka ka dhacda
  2. In caalamka la tuso sida shacabka Puntland diyaar ugu yihiin doorasho, Soomaaliyana tusaale ugu noqoto in doorasho ka hirgasho.
  3. In Deeq-bixiyaasha lagu dhiiri geliyo in ay maalgeliyaan
  4. In lagu dhiiri-geliyo degmooyinka kale ee Puntland

Waxaa laga bartey casharo waaweyn oo qaarkood u baahan yihiin in dib loo saxo, ka hor doorashooyinka kale intaan dalka laga qaban, laakiin ilaa maanta ma jirto meel lagu soo bandhigey cashradii laga bartey doorashooyinkii saddexda degmo.

Ka hor doorashada hordhaca ahayd ee la qabtey sanadkii hore, waxaa ururka KAAH iyo ururo kale  oo xulofo la ahaa isku dayeen in dib loo dhigo doorashada saddexda degmo, maadaama lagu jiro doorashadii Federaalka sida ay ku doodeen, waxaana ka horyimid arrintaas qaar kamid ah ururada siyaasadeed, Guddiga doorashooyinka Puntland waxay sheegteen markaas in ururada diyaarka ah doorashada loo qabanaayo. Go’aankaasi waxa uu keenay in ururka KAAH oo uu guddoomiye u yahay Siciid Cabdullaahi Deni ku khasabanaatey in ay doorashada ka qayb-galaan, kadib markii dib u dhigidda ay ku fashilmeen.

Wuxuu ahaa go’aan geesinimo leh oo ay qaateen qaar kamid ah ururada siyaasadeed iyo TPEC, sababtuna waa haddii dib loo dhigi lahaa ilaa manta doorasho hordhac ah ama tusaale ah lama qabteen.

Intaasi waa hordhac barnaamijkan oo aan ku eegayno sida ay suurgal u tahay muddada u harsan Madaxweyaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni in uu ku hirgelin karo doorashadii Xisbiyada, maxay tahay casharada laga bartey doorashadii hordhaca ahayd ee Qardho, Eyl iyo Ufeyn? Haddiiba ay suurtogal noqoto in la qabto  oo horey loo sii wado doorashada xisbiyada maxaa loo baahan yahay in la saxo? waxaana igala qaybgalaya Ismail Aw-musse oo ah tifaftiraha Horseed Media isla amrkaana aqoon durugsan u leh  geedi socodka siyaasadda Soomaaliya iyo sooyaalkeeda.

Maxamed Cismaan – Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *