Norway oo War kasoo saartay khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya

Published: March 24, 2021

Dowladda Norway oo kamid ah dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay ismari waaga siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay safaaradda dowlada Norway ay ku leedahay Soomaaliya ayaa hogaamiyaasha Soomaalida loogu sheegay in loo baahan yahay horusocod iyo ilaalinta guulihii horey loo gaaray .

Si gaar ah dowladda Norway ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya xasuusisay in ay waajib ku tahay xaqiijinta xukunka oo si dhaqse ah la isugu wareejiyo.


War saxaafadeedka kasoo baxay dowlada Norway ayaa ka duwan warsaxaafadeedyadii ay soo saareen dowladaha daneeya Soomaaliya waxaana uu kusoo beegmayaa iyadoo todobaad ay Muqdisho kuwada sugan yihiin dhamaan madaxda dowlada Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada isla markaana aan wali lagu guuleysan in la isugu yimaado shir loo dhan yahay oo lagu soo afjaro khilaafka hareeyay arimaha doorashada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *