Pakistan: Maxkamadda Sare oo la laashay dambigii lagu soo oogay PM imran Khan

Published: August 29, 2023

Ra’iisul wasaare hore ee Pakistan Imran Khan ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah kadib markii lagu helay inuu qariyay hadiyado uu helay intii uu xilka hayay, waxaana lagu xukumey saddex sano oo xabsi ah.

Maxkamadda sare ee Islamabad ayaa Talaadadii maanta ahayd laashey xukunkii xabsiga ahaa ee lagu riday ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan oo la xiriirey dambiyo musuqmaasuq.

Khan ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah ka dib markii lagu helay inuu qariyay hadiyado uu helay intii uu xilka hayay.

70-jirkan ayaa xilka looga tuuray cod kalsooni kala noqosho ah bishii Abriil 2022.

Qareen ka tirsan kooxda qareenada Khan, Babar Awan, ayaa sheegay in maxkamaddu ay amartay in Khan lagu sii daayo dammaanad. Waxa uu saxafiyiinta u sheegay in Khan uu “mar kale xaq u leeyahay in uu hogaamiyo xisbigiisa Pakistan Tehreek-e-Insaf.”

Ra’iisul wasaarihii hore ayaa weli wajahaya tobanaan dacwado kale oo dambiyo ah.

Ilaa hadda ma cadda in amarka maxkamadda sare uu Khan u suurtagelinayo in uu isu soo taago doorashada guud, taasoo ku beegan horraanta sanadka 2024-ka.

Hanad Askar
Horseed Media