Puntland oo magacaabtey cidda uga mid noqoneysa guddiga farsamo ee doorashada

Published: July 24, 2020

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabey labada xubnood ee Puntland uga mid noqoneysa guddiga farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladd Goboleedyada guddigaas oo kasoo baaraandagi doona hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka.

Labada xubnood ee Puntland magacaabtey ayaa kala ah:

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda.

Cabdiweli Cali Cabdulle, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Shirkii Dhawaan ku soo dhamaadey Dhuusamareeb ayaa nuxurka ugu weyn ee ka soo abxay noqdey in la sameeynaayo guddi farsamo oo ka shaqeeya arrimaha doorashada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *