Puntland oo soo bandhigaysa mowqifkeeda ku aadan wadahadal ay la gasho Dowladda federaalka

Published: June 11, 2023
Guddiga wadaxaajoodka Puntland ee ku aadan wada hadalka dowladda federaalka

Kadib booqashadii wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, waxaa soo baxdey in wadahadlkii Pntland iyo dowladda federaalka ah oo khilaaf weyn u dhexeeyey uu dib u bilaamayo.

Catriona Laing ayaa Madaxweynaha Puntland ka codsatey in uu ka qaybqaato geedi socodka dowladnimada Soomaaliya, oo wadahadalka dib u bilaabo.

Xogta Horseed Media soo gaartey ayaa sheegaysa in madaxweynaha Puntland ku adkeystey in aanu u aqonsaneyn kooxda Golaha wadatashiga qaran kuwo dastuuri ah oo gaari kara qodobo masiiri ah, laakiin wixii kala dhexeeya Dowladda federaalka ah uu diyaar u yihiin in ay ka wada hadlaan.

Horseed Media ayaa ogaatey in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni uu bilaabey wadatashi ku aadan dib u bilaabashada wada hadalka, waxaana uu kulamo la qaatey guddigii wada xaajoodka ee magacaabey bishii Janaayo ee sanadkan 2023 iyo guddi khubaro ah oo ka soo talo bixinaayey wada hadalka iyo dooda Puntland qabto.

Waxaa lagu wadaa in dhawaan Puntland ay soo bandhigto mowqifkeeda.

Golaha wadatashiga qaranka oo ka kooban madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, raysalwasaaraha+ku-xigeenkiisa iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ee la magacaabo, ayaa dhawaan soo saarey heshiis siyaasadeed oo ay dalka jihadii uu u socdey mid aan ahayn u jeediyeen, taas oo dhalisey muran badan sida loo sii wada socon karo.

Horseed Media