Puntland: Waxaanu Rajaynaynaa in Farmaajo Miiska Wada-Xaajoodka Ku Soo laabto

Published: April 11, 2021

Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade ayaa sheegay inay rajo ka qabaan in madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dib ugu soo laabto miiska wadahadalada

Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdullaahi Timacade

Wasiirku wuxuu sheegay inay Puntland weli ay joogto miiska wadahadalada islamarkaana ay ka go’an tahay in xal laga gaaro khilaafka si ay doorasho uga dhacdo Somaliya

Dawladda Puntland waxaa ka go’an raadinta xal doorasho loo dhan yahay lagu geli karo, si Dalka xasilooni darro siyaasadeed looga badbaadiyo.

Toddobaadkii hore waxaa natiijo la’aan ku soo dhamaadey shirkii dhamaystirka taabo gelinta doorashooyinka barlamaanka iyo madaxtinimada Somaliya kadib madaxda federaalka ay ku eedeeyeen madaxda Puntland iyo Jubbaland Fashilka shirka halka labada madaxweyne ay sheegeen inuusan shirkii fashilmin oo uu weli uu socdo iyagoo ugu baaqay inay dib ugu soo laabtaan wadahalada

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *