Putin oo ka baaqday Shirka BRICS ee ka dhacaya Koonfur Afrika

Published: July 20, 2023

Vladimir Putin ayaa aqbalay in uusan ka qeybgalin shir-madaxeedka dhaqaalaha ee ka dhacaya magaalada Johannesburg bisha soo socota ka dib markii sidaa ay ka codsatay dowlada maritada loo yahay ee Koonfur Afrika.

Shir madaxeedka Agoosto waxaa lagu waday inay kawada qeyb galaan madaxda Brazil, Russia, India, China iyo South Africa – oo ah koox dhaqaalahoodu soo korayo oo loo yaqaan BRICS.

Arbacadii, xafiiska madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in Putin uusan ka qeybgali doonin shirka BRICS ka dib “heshiis labada dhinac ah,”.

Khilaaf weyn oo dhanka sharciga ah ayaa soo wajahday Koonfur Afrika oo ku saabsan in la xiro madaxweynaha Ruushka oo ay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ICC u jartay Waaran in lasoo xiro.

Koonfur Afrika ayaa kamid ah wadamada saxiixay heshiiskii Rome ee lagu aasaasay maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC waxayna ku qasbanaan lahayd inay fuliso waaranka ICC.

Bishii Maarso ee sanadkan, Maxkamada Caalamiga ah ee ICC ayaa waaranka u jartay Madaxweynaha Ruushka oo loo heysto danbiyadii dagaal oo ay ciidamadiisa ka geysteen dalka Ukraine.

Horseed Media