Qaar kamid ah Siyaasiyiinta Jubaland oo ka horyimid muddo kororsiga Axmed Madoobe

Published: August 22, 2022
jubaland fartaag

Qaar kamid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Jubaland ayaa maanta oo isniin ah shir isugu yimid magaalada Muqdisho, waxaana ay si adag uga soo horjeesteen muddo kororsiga Axmed Madoobe ee hal sano loogu darey muddo xileedkiisa.

Senetor Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo mar soo noqday Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta ka soo horjeestey, Fartaag oo lagu tiriyo saaxiibada Axmed madoobe, isla markaana mucaarad ku ahaa madaxweynihi hore Farmaajo oo ay raas ka soo wada jeedaan, ayaa ku tilmaamey muddo kororsiga Axmed Madoobe sharci darro oo aan la aqbali karin

Senator Fartaag oo ayaa baaq u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu diido dhaqan galka mudo kororsigaas, isagoo soo xasuusiyay dhibaatada laga dhaxlay muddo kororsigii hore looga diiday Farmaajo

“Ma filayo muddo kororsigii ay sameeyeen Baarlamaanka Jubbaland ee baal marsanaa dastuurka inuu aqbalayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo aan horay isla diidnay muddo kororsigii dowladdan middii ka horeeyay ay sameysatay oo dalka khal khal gelisay”

Gen fartaag

Baarlamaanka Jubaland ayaa maalintii shalay ee axadda kulan ay isugu yimaadeen ku beddalay dastuurkooda oo muddo xileedka dhigaayey afar sano, waxaana ay ka dhigeen 5 sano, iyada oo lagu wadey in doorashada Jubaland ay dhacdo August 2023.

Siyaasiyiinta kale ee kulanka ka soo muuqdey waxaa kamid ahaa Cabdirashiid Janan, wasiirkii hore ee Amniga ee Jubaland oo isaguna ku tilmaamey wax aan sinaba loo aqbali karin.

Axmed Madoobe waxa uu ka maqan yahay jubaland muddo, lama arag tan iyo bishii Luulyo, waxaana wararku sheegayaan in xanuun dhabarka ah laga daweynaayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *