Qaramada Midoobey oo soo dhaweysey ergayga AU ee Soomaaliya

Published: May 9, 2021

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey António Guterres ayaa si diiran u soo dhaweeyey ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u soo magacaabeen Soomaaliya, Dramani Mahama si dalka ay uga dhacdo doorasho loo dhan yahay oo la isla oggol yahay.

Qoraalka ka soo baxay Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in ay si buuxda u taageersan yahay dedaalada Midowga Afrika ee ku aadan Soomaaliya.

Sidoo kale qoraalka ayaa loogu baaqey dhamaan dhinacyada ay khuseyso arrimaha Soomaaliya , in ay si dhaw ula shaqeeyaan ergayga gaarka ah ee Miwoga Afrika, dibna loogu noqdo wada hadalkii, si loo hirgeliyo heshiiskii 17 September.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *