Qarax khasaare geystay oo ka dhacay degmada Buulo-burte

Published: July 23, 2022

Qarax miino ayaa maanta barqanimadii ka dhacay gudaha degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan, kaas oo sababay khasaare kala duwan.

Qaraxa ayaa ka dhacay koontaroolka Cigaal oo ku yaalla dhanka koonfureed ee degmada Buulo-burte.

Ugu yaraan saddex askari ayaa ku dhintay qaraxa, halka uu ku dhaawacmay askari kale, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid deggan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *