Raisul Wasaarihii Hore Ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo Aas-qaran loogu sameeyey Garoowe

Published: July 16, 2020

Raisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Abshir Faarax ayaa maanta aas qaran loogu sameeyey loogu sameeyey magaalada Garoowe oo ehelkiisu dalabadeen in lagu aaso.

Subaxnimadii hore ayaa diyaarad ka soo qaadey dalka Turkigu ay keentey Muqdisho, halkaas oo salaad janaaso loogu sameeyey, waxaana diyaarad kale ay isla maanta geysey magaalada Garoowe halkaas oo aas qaran loogu sameeyey.

Waxaa aaska ka soo qaybgalay, Raysalwasaaraha Xukuumadda Fedeaalka Xassan Cali Kheyre, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Cabdi Xaashi Madaxweynaha Puntland iyo dhamaan Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada dalka ka jira, boqolaal qof oo kale iyo heleksa marxuumka. Sidoo kale diyaaradda marxuumka sidey waxaa la socdey qaar kamid ah ehelkiisa iyo Golaha Xukuumadda Federaalka.

Xassan Abshir Faarax, waxa uu soo noqdey guddoomiyaha magaalada kadib waxa uu ka mid ahaa asaasayaashii Dowladda Soomaaliyeed ee Puntland, oo bilowgii ka noqdey Wasiirka Arrimaha gudaha, kadib waxa uu kamid noqdey siyaasiyiintii ka qaybgalay shirkii Carta 2000, waxaana uu noqdey Xildhibaan iyo wasiir, kadib markii xilka laga qaadey raysalwasaare Cali Khaliif Galayr, waxa uu noqdey raysalwasaaraha Soomaaliya dowladdii kumeelgaarka ahayd sanadkii 2001. mar kale ayuu ka mid noqdey baarlamaanka Soomaaliya sanadkii 2004, ilaa sanadkii 2015 markaas oo uu iska casiley.

Rabbi ha u anxariistee Xassan Abshir faarax ayaa ku geeriyoodey dalka Turkiga 12 Luuliyo isaga oo 77 sano jir ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *