Raysalwasaare Kheyre oo kulan la qaatey shaqaalaha xafiiska raysalwasaaraha

Published: March 16, 2017

Ra`iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kulan la yeeshay Shaqaalaha Xafiiska Ra`iisul Wasaaraha, wuxuna kala hadlay dar-dar gelinta howlaha horyaala Xukuumadda oo ay hormuud u yihiin shaqaalaha Xafiisku.

Ra`iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyn ka dhageystay warbixinno la xiriira xaaladda ay ku shaqeeyaan howl-wadeenada, ku xigeenka Xog-yaha Joogtada iyo Agaasimeyaasha Waaxaha xafiiska, iyagoo sheegay in ay la shaqeyn doonaan Ra`iisul Wasaaraha Cusub, si loo meel mariyo barnaamijyada uu Xukuumadda ku hoggaamin doono.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in uu ka shaqayn doono sidii ay u heli lahaayeen Shaqaaluhu xuquuqdooda, iyagana lagula xisaabtami doono shaqada ay ummada u hayaan, ayna qeyb ka tahay qorshaha isla xisaabtanka ee Dawladda.

—-DHAMMAAD—-

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *