Rome: Xasan Sheekh Abiy Ahmed iyo Raysalwasaaraha Talyaaniga oo markii saddexaad kulan yeelanaya

Published: July 24, 2023
Shares40

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maalintii shalay ee Axadda gaarey magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.

Hassan Shekih, Abiy Ahmed iyo  Marwo, Giorgia Meloni
Hassan Shekih, Abiy Ahmed iyo Marwo, Giorgia Meloni

Ujeedadada safarka Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa lagu sheegay in uu yahay ka qaybgalka shir ay soo qaban-qaabisey Hay’adda Qaramada Midoobey kaas oo looga hadlaayo cunnada adduunka, shirkan ayaa maanta oo Isniin ah ka furmaaya xarunta hay’adda beeraha iyo cunnada ee FOA xarunteeda Rome waxaana uu socon doonaa muddo saddex maalmood ah.

Xog ay heshey Horseed Media ayaa sheegaysa in Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu ku sugan yahay dalka Talyaaniga isaga oo maalintii Sabtida kaga qaybgalay shir looga hadlaayey sidii loo maareyn lahaa Tahriibta, xogta ayaa sheegaysa in Madaxweyne Xasan Sheekh, Raysalwasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni iyo Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ay shir doceed kuwada yeelanayaan Rome, shirkan ayaa noqonaya kii saddexaad muddo 7 bilood ah gudahood oo saddexda masuul isugu yimaadaan.

Xogta ay ka heshay Horseed media shirka Adis Ababa ayaa sheegaysa in qorshaha ugu weyn ee shirku uu yahay sidii loo sii anba qaadi lahaa qorshaha dowladda Talyaanigu ay dooneyso in ay sahmin ku samayso keydka shidaalka Soomaaliya isla markaana la wareegto qaybo badan oo ka mid ah Baloogyada koonfurta dalka.

Dowladda Itoobiya ayaa garwadeen ka ah qorshahan, waxaana ay Talyaaniga dhawaan siiyey 182 milyan oo lacagta Yuurada ah, Itoobiya ayaa la qorsheynayaa in ay qorshaha Talyaaniga ee shidaalka Soomaaliya ka soo gasho dhanka amniga iyo ilaalinta danaha Talyaaniga.

Qorshaha Raysalwasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ee shidaalka Soomaaliya ayaa xumeeyey xiriirka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dowladda Imaaraadka Carabta, taas oo joojisey barnaamijkii dhismaha ciidanka Soomaaliya ee ay la wadey maamulka Xasan Sheekh. Imraaka ayaa doonaayey in ay la wareegaan dhamaan heshiisyada shidaalka ee Soomaaliya.

Horseed Media