Rooble oo Cimreysi ugu safray Sucuudiga

Published: May 7, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta u socdaalay dalka Sucuudi Carabiya.

Rooble ayaa ujeedkiisu socdaalkiisa waxa uu la xiriiraa arimo ku saabsan gudashada Cimrada waxaana diyaarad siday ay ka degtay magaalada Jeddah, isagoo ku sii jeeda magaalada barakeysan ee Makka.

Waa socdaalkii ugu horeeyay ee Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta uu ku gaaro dalka Sucuudiga tan iyo intii xilka loo magacaabay ,lamana oga in Cimreysi kadib uu kulamo la qaadan doono madaxda Sucuudiga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *