Rooble oo ka qeybgalay Munaasabad Tababar loogu soo xiray haween katirsan Booliiska Haramcad

Published: November 4, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay munaasabad tababar loogu soo xirayo gabdho ka tirsan ciidanka Haramcad ee booliska Soomaaliyeed isla markaana derajooyin loogu xiray saraakiil tababar layli sarkaal ku soo qaadatay dalka Masar.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ballan qaaday in Xarunta Barbaarinta Agoonta Booliska Soomaaliyeed lagu kordhiyo dugsi sare isagoo faray Wasaaradda Waxbarashada in howshaas u fuliso sida uga dhaqsiyaha badan.

Munaasabadan soo xiritaanka tababarka ayaa lagu qabtay dugsiga tababarrada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee General Kaahiye.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *