Rooble oo la shiraya Madaxda Dowlad goboleedyada

Published: March 29, 2021

Shir u dhaxeeya madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo Muqdisho.


Shirkan oo ah mid gaar ah ayaa diiradda lagu saari doonaa xalinta qodobada ismari waaga arimaha doorashooynka.


Maalmihii ugu dambeeyay madaxda dowladaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka ayaa kulamo looga arinsanayo khilaafka doorashooyinka waxa ay ku lahaayeen xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.


Kulanka la filayo in uu dhexmaro Madaxda dowlad goboleedyada iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka yimi codsi uu soo jeediyay Ra’iisul Wasaaraha waxaana uu gogol xaar u noqonayaa shir dhawaan ka furmaya Muqdisho oo dhamaan madaxda ay isugu imaan doonaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *