Ruushka ayaa lix dal oo Afrikaan ah oo Soomaaliya ku jirto u ballan qaadey qamadi bilaash ah

Published: July 28, 2023
Shares290

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa sheegay in Ruushku uu buuxin doono booska dhoofinta qamadiga Yukreeyn, kadib markii ay ka baxeen heshiiskii dhoofinta qamadiga Ukriane ee Qaramada Midoobey iyo Turkigu dhex-dhexaadiyaha ka ahaayeen.

Isagoo ka hadlayay maalinta koowaad ee shirka Ruushka iyo Afrika ee St Petersburg, Madaxweynaha Ruushka ayaa ku doodey in dalkiisu uu awood u yeelan doono inuu buuxin doono booskii Ukriane kadib go’aankii Moscow ee ahaa inay ka baxeeen hannaanka ay Qaramada Midoobay dhexdhexaadisay ee oggolaaday dhoofinta qaamdiga iyo badeecadaha kale ee Ukriane.

“Bilaha soo socda, waxaan diyaar u noqon doonaa inaan Burkina Faso, Zimbabwe, Mali, Somalia, Central African Republic iyo Eritrea ku siino 25,000-50,000 oo tan oo qamadi ah oo lacag la’aan ah,” ayuu Putin u sheegay madaxda Afrika ee ka qayb-galaysa Khamiista.

Ruushka ayaa martigelinaya shir-madaxeed laba maalmood ah oo uu la yeelanayo hoggaamiyaasha qaarada Afrika oo loogu talagalay in loo sawirto in Moscow ay tahay quwad weyn in kasta oo ay curyaamisay cunnaqabataynta reer galbeedka.

Laakiin, Aqalka Cad ayaa diiday sheegashada Putin ee ah inuu doonayo inuu xalliyo dhibaatada cunnada ee saamaysay waddamada ugu saboolsan adduunka. Maraykanka oo ka hortagaaya dedaalka Ruushka ee Afrika ayaa durba u direy dalalka saboolka ah saraakiil sare ee ka socota waaxda hantidhawrk Maraykanka gaar ahaan kuwa la socda maalgelinta iyo maaliyadda dibadda, waxaana ay Soomaaliya iyo Kenya kala hadleen qorshaha cusub ee Ruushka.

Horseed Media