Ruushka iyo China oo VETO ku diiday qaraar Mareykanka ee Gaza

Published: March 22, 2024
Shares8

Ruushka iyo Shiinaha ayaa Jimcihii diiday qaraar qabyo ah oo uu Maraykanku horkeenay Golaha Ammaanka oo ku saabsan xabbad joojinta Gaza, iyadoo Moscow ay ku eedaysay Washington “munaafaqnimo” oo aan cadaadis saarin Israa’iil.

Ruushka iyo Shiinaha ayaa ku qaadacay diidmada qayaxan, Algeria ayaa sidoo kale diiday, Guyana way ka aamustay. Halka 11-ka xubnood ee kale ee golaha amaanka ay u codeeyeen.

Safiirka Ruushka, Vasily Nebenzia, ayaa sheegay in Maraykanku aanu waxba ka qabanayn Israa’iil, isagoo ku jeesjeesay Washington sida ay uga hadashay xabbad-joojin ka dib markii “Gaza gebi ahaanba la burburiyey.”

Maraykanka ayaa horey 4 goor codka VETO ku diiday in lagu khasbo Isra’iil xabad joojinta Gaza, qaraarkooda maanta ayaa sidoo kale wax cadaadis ah saarin Isra’iil balse kaliya lagu sheegay in loo baahan yahay xabad joojin kooban iyo siideynta maxaabiista laga heysto Israel.

Dhinaca kale Golaha Amaanka ayaa Sabtida beri ah u codeenaya qaraar kale oo ay soo diyaariyeen 8 wadan ee ah dalalka Golaha Amaanka oo lagu cadaadinayo Israel inay joojiso duulaanka ay ka wado Gaza, iyadoo aan la aqoon in Maraykanka markale horjoogsan doono qaraarkaasi oo heysta inta badan taageerada Beesha Caalamka.

Horseed Media