RW Rooble oo daahfuray Halbeegyada Tayo-dhowrka Badeecadaha

Published: March 27, 2021

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed Xuseen Rooble iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane, Khaliif Cabdi Cumar, ayaa maanta si wada-jir ah u daah-furay Hal-beegyada Tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo ay soo diyaarisay hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliya kaasi oo wax weyn ka taraaya baahidii loo qabay ilaalinta tayada badeecadaha kala duwan ee dalka ka dhoofaya iyo kuwa la soo dejinayo ba.

Kulanka daah-furka, ayaa waxa sidoo kale ka soo qeyb-galay Wasiiru-dawlaha Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md. Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, guddida sare ee hay’adda, Maareeyaha, Maareeye ku xigeenka, shaqaalaha hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka socday Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Ra’iisal Wasaaraha XFS Md. Maxamed Xuseen Rooble iyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md. Khaliif Cabdi Cumar oo iyagu na dhankooda hadalo kala duwan halkaas ka jeediyey, ayaa ugu horreyn boggaadiyey mas’uuliyiinta hay’adda, waxaana ay ka warameen ahmiyadda ay hal-beegyadani u lee yihiin dhowridda bad-qabka noolaha iyo bii’adda Soomaaliyeed iyaga oo fariin u diray Ganacstada kala duwan ee dalka oo ay ugu baaqeen inay u hoggaansamaan ku dhaqanka hal-beegyada Tayo-dhowrka Soomaaliyeed si loo ilaaliyo caafimaadka qofka bani Aadamka ah.

Ra’iisal Wasaarahu, wuxu si gaara Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda ba uu ugu boggaadiyey muddadii koobnayd ee ay ku dhiseen kuna hir-geliyeen hay’addaasi oo ahmiyad weyn u leh guud ahaan qaranka sidoo kale na baahi weyn loo qabay iyada oo ay xusid mudan tahay in hay’addan la’aanteed ay Ganacstada Soomaaliyeed u khasaari jirtay lacago tiro badan halka sidoo kale na uu khatar ku jiray caafimaadka dadka Soomaaliyeed maadaama markii hore aan la ilaalin jirin tayada waxyaabaha dalka loo soo dhoofinayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *