Sadio Mane Ayaa Loo Magacaabay Ciyaaryahanka Ugu Fiican Qaarada Afrika

Published: July 22, 2022

Weeraryahanka reer Senegal Sadio Mane ayaa Khamiistii loo magacaabay ciyaaryahanka sanadka ee Afrika ka dib guushii Qarankiisa ee Horyaalka Qaramada Afrika, sidoo kale Senegal ay u soo baxdey Koobka Adduunka ee sanadkan lagu qabanaayo Qatar.

Sadio Mane ayaa ku garaacay abaal marintan saaxibkiisi hore Maxamed Saalax oo horey u qaadey sanadihii 2017 iyo 2018, iyo ciyaaryahanka kale ee ay isku dalka yihiin ee Edouard Mendy

Waa markii labaad ee ciyaaryahankan Mané oo ah 30 jir uu noqdo Xidiga Sanadka ee Afrika, bishii hore ayuu ka mid noqdey kooxda heysata horyaalka Jarmalka ee Bayern Munich, oo kala soo wareegtey naadiga Liverpool FC.

Xidhiidhka kubbadda cagta Afrika ayaan abaal-marintan bixin sannadaha 2020 iyo 2021. Hadda waxa ay aqoonsan tahay wax-qabadkii ciyaartoyga ee xilli-ciyaareedkii 2021 iyo 2022

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *