Sarkaal ka tirsan Ciidamada Federaalka oo ka badbaaday Qarax Miino

Published: March 27, 2021

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qarax miino oo barqanimadii maanta ka dhacay degmada Shibis ee gobolka Banaadir kaasoo lala eegtay Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka.

Sarkaalka Qarax Miino lala eegtay ayaa lagu magacaabaa Maxamed Carabow Cali waxaana uu kamid yahay ciidanka ilaalinta degaanka.

Sida ay wararku ay sheegayaan Sarkaalkan ayaa ka badbaaday Qaraxa Miino ee lala bartilmaameedsaday hase ahaatee sadex kamid ah illaaladiisa ayaa lagu soo waramayaa in uu dhaawac kasoo gaaray Qaraxa.

Goobta Qaraxa uu ka dhacay waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya kuwaasoo baaritaan ka bilaabay goobta uu qaraxu ka dhacay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *