Shirkii wadatashiga ee madaxda qaranka iyo masuuliyiintii hore oo maalintii labaad galay

Published: July 13, 2023

Shir maalintii shalay ee arbacada ka furmey Muqdisho kaas oo casumaadiisa ay dhigtey Villa Somalia isla markaana cinwaan looga dhigey Wadatashiga Masuuliyiintii hore ee dalka ayaa galay maalntiisi labaad.

Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen Madaxweynayaal hore, raysalwasaraayaal hore, Guddoomiyaal hore ee Baarlamaan iyo wasiiro hore ee Dowladda federaalka ayaa looga hadley Amniga, doorashooyinka dalka, iyo dhamaystirka dastuurka.

Inta badan masuuliyiintii hore ee shirka lagu casumey ayaa mar sii horeysey soo saarey qoraal ay uga soo horjeedaan go’aamadii Golaha Wadatashiga Qaranka ee jihda siyaasadeed ee dalka dhan kale loogu jiidinaayey.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalintii shalay soo bandhigey in muddo xileedka dowaldda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada laga wada dhigo shan sano, dalku aanu ka bixi karin doorasho joogto ah isla markaana hal mar ay dalka ka wada dhacdo doorashadu, laakiin waxa uu meesha ka sarey in isagu doonaayo in muddo xileedkiisa shan sano laga dhigo, waxay saameyneysaa ayuu yiri muddo xileedka danbe.

Kulanka maanta waxaa ka qayb-galaya Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre.

Shirkan ayaa lagu wadaa in la soo gebagebeeyo maalinta beri ah ee Jimacada.

Horseed Media