Soomaali magangelyo doon ah oo ku geeriyooday xuduuda Turkiga iyo Giriiga

Published: February 5, 2022

Lix qof oo Soomaali muhaajiriin ah ayaa ku geeriyooday Xuduudka u dhexeeya Dalalka Turkiga iyo Giriiga, lixdaan qof ayaa maydadkooda la keenay magaalada Istanbul, dhacdadan oo ah mid murugo leh ayaa waxa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA uga war bixiyey Dr Maxamed Soomaali oo ah dhakhtar Soomaaliyeed oo ka hawl gala mid kamid ah Cisbitaalada Dowladda Turkiga.

Wasiirka arrimaha guddaha Turkiga mudane Suleyman Soylu ayaa ku eedeeyey Dowladda Giirigu inay ku tumanays xuquuqda dadka magangelyo doonka isagoo xusay in ciidan ilaalada Giriigu muhaajiriinta ka furtaan dharka celiya qabowga iyo dhamaan waxay agab sitaan.

Dhacdooyinka naxdinta leh ee ay kula kacaan ciidanka ilaalada xuduudka Giriiga dadka magangelyo doonka ah ayaa ah kuwo walaac leh.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *