Soomaaliya: Dad Cusub Oo Laga Helay Coronavirus

Published: February 9, 2021

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ayaa shaacisay Dad cusub oo laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus oo Caalamka oo dhan saameyn ku yeeshay, kadib markii dadkaas baaritaano lagu sameeyay.

Warbixin kooban oo ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in 48-dii saac ee lasoo dhaafay Cudurka COVID-19 laga helay 58 qof, kuwaasi oo baaritaano Caafimaad lagu sameeyay, kadibna laga helay Cudurka.

Dadka xanuunka laga helay ayaa 35 kamid ah waxaa ay ku sugan yihiin gobolka Banaadir, 14 Somaliland iyo Puntland oo laga diiwaan-geliyay 10 kiis, 45 kamid ah dadkaas waa Rag, halka 13 kalena ay yihiin Dumar.

Sidoo kale  Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ayaa Warbixinta ku sheegtay in saacadihii lasoo dhaafay Cudurka ka bogsadeen 13 qof, isla markaana waxaa COVID-19 u geeriyooday 2 qof.

Tirada guud ee kiisaska laga diiwaan-geliyay Cudurka Coronavirus ee dalka Soomaaliya ayaa gaaray 4,920 ruux, waxaana ka bogsaday 3,733, halka 136 qofna ay guud ahaan dalka ugu geeriyoodeen Cudurka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *