Soomaaliya Oo Diiwaangelisay 33 Kiis Oo COVID19 AH

Published: June 22, 2020

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa diiwaangelisay 33 kiis oo cusub oo ah COVID19 24kii saacadood ee lasoo dhaafay, taasoo wadarta guud ka dhigaysa 2, 812 kiis.


Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya, Dr. Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay kiisaska cusub inay kala joogaan Puntland 21, Somaliland 7, iyo Gobolka Benaadir 5 qof.


Dhanka kale Dr. Fowsiya ayaa sheegtay inay fayraska ka bogsoodeen 36 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 818.


Bukaannada cusub 30 ka mid ah waa rag 3-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay ma jirn bukaan u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 90 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *