Soomaaliya oo qarka u saaran in ay weydo cunada ay dibada ka soo dhoofsato.

Published: August 26, 2022
Shares18

Madaxweynaha jamhuuriaydda federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa codsi u direy Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo raysalwasaaraha Hindiya Narendra Modi, kadib markii Soomaaliya ay soo foodsaartey cuno yari ay sababtey dagaalka Ruushku ku qaadey Ukraine 24 feberaayo 2022.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Madaxweynaha Turkiga ka dalbadey in uu oggolaado in kor loo qaado burka Soomaaliya ka soo dhoofsato dekadaha Turkiga, sidoo kale Narendra Modi Raysalwasaaraha Hindiya ayuu ka dalbadey in loo fasaxo ganacsatadu in ay bariiska ka soo dhoofin karaan Hindiya.

Ruushka iyo Ukriane ayaa dhoofinta qamadiga ee laga sameeyo burka ee dunidu isticmaasho ka ahaa qiyaastii 30%, taas oo sababtey in dalkastaa uu yareeyo cunadii uu dibadda u dhoofin jirey.

Sare u kaca sicirka cunada la soo dhoofiyo

Ganacsade Maxamed Cabdixaliim oo la hadley VOA ayaa sheegay in qiimaha burka, saliida laga sameeyo ubaxa gabbaldayaha (sunflowers) iyo qiimaha baastadu ay aad kor ugu kaceen qiyaastii 150%. Maxamed Cabdixaliim waxa uu sheegay in saddexdan shay ay ka soo dhoofin jireen Turkiga.

Burka ayuu sheegay in 1000kg ay ku soo iibsan jireen $350 dollar, halka uu hadda maraayo ilaa $600, qiimaha baastada ayuu sheegay in 1000kg uu ahaa $450 dollar, halka uu haatan gaarey $700, saliida cunada lagu karsado ayuu sheegay in qiimaheedu cirka isku shareeray, waxa taas dheer in ay adag tahay in la helo ama la soo dhoofiyo ayuu yiri.

Turkiga ayaa ku xirnaa dalalka Ukraine iyo Ruushka, waxaana qiimaha saameeyey dagaalka.

Bariiska ayaa Soomaaliya ka soo dhoofsataa dalka Hindiya oo si weyn hoos ugu dhigay dhoofinta dibadda uu cunnooyinka daruuriga u ah dalkaas.

Abaaraha iyo roob yaraanta raagey ee saameeyey xoolaha nool ee Soomaaliya u baxsan jirtey, aqoondarida iyo sida aan looga faa’ideysaneyn kheyraadka badda, iyo colaada ka taagan dhulka webiyadu maraan oo intooda badan ay ka taliyaan al-Shabaab ayaa sababi kara in dalku galo xaalad khatar ah.

Hoos ka akhri dalalka joojiyey dhoofinta cunada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *