Taageerayaasha Sheegow Axmed Cali oo dibadbax ka dhigey Muqdisho

Published: August 20, 2023
Shares46

Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Axad ah ka dhacay dibadbax ay dhigayaan dadweyne ka careysan xarigga Sheegow Axmed Cali oo maalintii shalay ay soo xireen ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka.

Dibadbaxa ayaa waxaa dhigay dhalinyaro ka soo jeeda beesha sarkaalka la xirey ee lagu magacaabi Sheegow Axmed Cali, kuwaas oo isugu soo baxay waddooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho.

Dadweynaahan ayaa ka yimid dhanka degmada Wadajir, iyaga oo qaaday laamiga dheer ee taga Zoobe, kadibna waxa ay u gudbeen dhanka waddada Maka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho ilaa ay gaareen KM4.

Dhalinyarada isu soo baxay ee ka caraysan xariga Sheegow Axmed Cali ayaa ku qaylinayey erayo ka dhan ah dowladda, iyo erayo ay ku taageerayeen Sheegow Axmed Cali, waxaana ay dalbaneyeen caddaalad.

Ciidamada Booliska ayaa rasaas kala hortegey, waxaana la arkaayey ciidanka oo dadka caraysan rasaas ku baacsanaaya, dadku ma ahayn kuwo hubeysan, wararka ayaa sheegaya in goobaha caafimaadka la geeyey dad ku dhaawacmey mudaaharaadka rabshadaha watey.

Sheegow Axmed Cali oo sheegta darajada Jeneraal iyo ciidan gaar ah oo isaga taageersan ayaa habeenkii Sabtidu soo geleysey kula dagaalamey degmada Dharkeynley isla ciidanka dowladda ee loo yaqaan Boolis miletaare, ugu dabeyn maalintii Sabtida ayuu is dhiibey, waxaana loo taxaabey xabsiga. Sooqabashadiisa waxaa ku nafwaayey 5 askeri.

Sheegow ayaa cidamada mileteriga laga saarey sanadkii 2020, kadib markii uu diidey nidaamkii dib u habeynta ciidanka. Sanadkii 2021 ayuu kamid noqdey ciidamadii la baxey Badbaado-Qaran ee taageersanaa Madaxweynaha hadda xilka haya.

Horseed Media