Taliyaha Booliiska Puntland oo Shaqada Ka Rukhseeyay 88 Askari- Akhriso

Published: January 22, 2020

Taliyaha booliiska Puntland Generaal Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu ku rukhseeyay 88 askari oo ka tirsanaa ciidamada booliiska Gobolka Nugaal.

Taliyaha oo ogolaansho buuxa ka hasyta madaxweynaha Puntland ayaa ku sababeeyay shaqo ka eryida ciidamada labo qodob oo kala ah.

  1. inay ku haboon yihiin in shaqada ciidanka booliiska laga ruqseeyo
  2. in aysan ciidanka booliska wax faa’iido u lahayn tiro buuxis mooyee

Shaqo ka rukhsaynta ciidamadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo amniga caasimadda Garoowe lagu wareejiyay ciidamo isku dhaf ah oo ka tirsan PSF iyo PMPF toddobaadkan

Dowladda Puntland ayaa muddooyinki u dambeeyay waxay waday dib u habayn lagu samaynayay ciidamada Puntland, Sidoo kale ma cadda ilaa iyo hadda in shaqo ka eryida ciidanka booliisku ay ku kooban tahay gobolka Nugaal oo kaliya iyo in gobolada kale sidaas oo kale shaqada laga eryi doono tiro kale oo booliis ah.

HALKAN KA AHRISO MAGACYADA CIIDAMADA LA RUKHSEEYAY

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *