Taliye Odawaa Oo Ka Hadlay Ciidamo Mushahar La’aan Ugu Gadooday Muqdisho

Published: June 22, 2020

Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka S/Guuto Odawaa Yuusuf Raage oo shir-jaraaid u qabtay warbaahinta ayaa ka hadlay Ciidamo shalay magaalada Muqdisho gadood ugu sameeyay mushahar la’aan, kuwaas oo ka howlgali jirey gobolka Shabeellada dhexe.

Taliye Odowaa, ayaa sheegay in Ciidanka qalabka sida ay qaateen mushaharkoodii balse ay jiraan Ciidamado kooban oo aan tirokoob marin iyo kuwo ay cilado farsamo ka yimaadeen diiwaan-gelintoodii oo aysan Lacagtu gaarin.

Ciidankan qalabka sida ee shalay ku gadooday Muqdisho ayaa ka cawday mushaar la’aan haysatay muddo sanad iyo sagaal bilood ah.

Halkan ka daawo shirka jaraaid:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *