Talyaaniga Iyo Soomaaliya Oo Heshiis Kala Saxiixday

Published: March 11, 2021

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi ayaa maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis ku saabsan geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya.

Heshiiskaan ayaa daba socday go’aankii dalalka ku bahoobay Paris Club ay Soomaaliya ka saamaxay 1.4 Bilyan oo deyn ah sanadkii hore ee 2020.

“Waxan u mahadcelinayaa safiirka dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya mudane Alberto Vecchi oo si gaar ah nagala shaqeeyay saxiixa maanta in noo suuro galay ”.

Wasiir Beyle

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaalo badan ku bixinaysa sidii deynta tirada badan oo ay ku leeyihiin dalalka iyo hey’adaha maaliyadda caalamka looga cafin lahaa dalka , iyadoo kaashanaysa IMF iyo Bankiga adduunka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *