Ukraine oo sheegtay in Ruushka uu ‘Baad’ ku heysto Qamadigii iyo Cuntada caalamka loo waday

Published: July 18, 2023
Shares102

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in aysan jirin cid xaq u leh in ay khalkhal geliso sahayda iyo cunnada caalamka, duniduna ay fursad u haysato in ay Ruushka tusto in aysan ogolayn in la baado.

Isaga oo qeexaya baahida loo qabo in laga hortago “waallida Ruushka” kadib markii Moscow ay ka baxday heshiiskii Qamadiga Isniintii, Zelensky wuxuu sheegay in dhoofinta hadhuudhka ee dekedaha Ukraine ay tahay inay sii socoto – hadii xataa Ruushka uu heshiiskaasi ka baxo.

Ukraine ayaa caalamka u dhoofisa Qamadiga ay ku tiirsan yihiin dad gaaraya 400 milyan oo qof, Ruushkana looma oggolaan karo inuu madax-furasho ku heysto cuntadaasi, ayuu yidhi Zelensky.

Turkiga oo horey uga shaqeeyey heshiiska dhoofinta Qamadiga oo ay wada saxiixeen Ruushka iyo Ukraine, ayaa weli wada dadaal dib loogu cusbeynaysiinayo heshiiskaasi oo ku ekaa isniintii shalay 17ka Luulyo. Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa la filayaa inuu kulan la yeesho Madaxweynaha Ruushka Putin bisha soo socota, xili Ruushka uu codsanayo in la fuliyo dalabaadkooda.

Horseed Media