Ururada Muslimiinta Caalamka oo si wadajir ah u cambaareeyey Qu’aanka lagu gubay dalka Sweden

Published: July 22, 2023

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Ururka Muslimiinta Adduunka, iyo hay’adda ugu sarreysa Islaamka ee Masar ayaa dhammaantood cambaareeyay dowlada Sweden.

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ku biiray dalalka Carabta oo cambaareeyey falkii lagu gubay kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ee magaalada Stockholm caasimadda dalka Sweden, iyagoo ku tilmaamay fal waxashnimo ah.

“Xoghayaha guud ee OIC Hissein Brahim Taha waxa uu si adag u cambaareynayaa fal kale oo daandaansi ah oo lagu xumeynayo nuqul ka mid ah Qur’aanka Kariimka oo ka dhacay afaafka hore ee safaaradda Ciraaq ee Stockholm,” ayay hay’addu ku tiri hadal ay soo saartay.

Falkan ayaa lagu soo beegay saacado kadib markii dad Ciraaqiyiin careysay ay gudaha u galeen safaarada Sweden ee magaalada Baqdaad, Ciraaq.

Kumanaan kun oo qof oo ku nool dalalka Muslimka ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka si ay uga mudaaharaadaan falkii uu Khamiistii sameeyay nin mudaaharaadayay oo sheegay in uu kor u qaadayo xoriyatul qawlka, balse dad badan oo ay ku jiraaan qaar kamid ah shacabka Sweden ayaa cambaareeyay.

Ururka Islaamka ayaa aad uga xumaaday in maamulka Iswiidhan uu sii wado bixinta ogolaanshaha mudaharaadyada lagu gubay kitaabka barakeysan.

War-saxaafadeedku waxa uu tixraacay war-murtiyeedkii u dambeeyay ee uu guddiga fulinta OIC ka soo saaray shirkoodii aan caadiga ahayn ee 2-dii bishan July, kaas oo lagu sheegay in daandaansigaasi uu yahay mid liddi ku ah qodobbada 19-aad iyo 20-aad ee Axdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Madaniga iyo Siyaasadda, isla markaana aan lagu caddayn karin xaqa xorriyadda hadalka, kaas oo mamnuucaya wax kasta oo lagu kicin karo nacayb iyo faquuq diineed.

Horseed Media