Ururka Jaamacadda Carabta oo yeeshay shir deg deg ah oo looga hadlayo xaaladda Gaza

Published: April 3, 2024

Kulankan waxaa codsaday Maamulka Falastiin si looga wadahadlo dadaallada lagu joojinayo ‘xasuuqa Israel, Macaluusha ka jirta Gaza iyo barakicinta’

Shirkan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen ururka Jaamacadda Carabta ayaa maanta oo Arbaca ah ka furmay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

Isagoo ka hadlayay kulanka, ergayga Falastiiniyiinta Mahend al-Aklouk ayaa ka digay in Israel weerar dhulka ah ku qaado magaalada Rafah ee koonfurta Gaza, halkaas oo ay u qaxeen in ka badan 1.4 milyan oo qof.

Aklouk waxa uu sheegay in Israa’iil ay diiday in ay dhaqangeliso qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee xabbad joojinta Gaza inta lagu guda jiro bisha Barakeysan ee Ramadaanka.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa 25-kii bishii March soo saaray qaraar ay ku dalbanayaan xabbad-joojin ka dhacda Gaza inta lagu jiro bisha Ramadaanka. Iyadoo Xamaas ay soo dhaweysay qaraarka, halka Israel ay wacad ku martay inay sii wadi doonto dagaalka ay ka wado Qaza ilaa ay ka burburinayso kooxaha xoriyad u dirirka reer Falastiin.

Horseed Media