Villa Somalia oo Nasiib darro ku tilmaamtay warar laga faafiyay Farmaajo

Published: March 30, 2021

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay warar saacadihii lasoo dhaafay la isla dhexmarayay Baraha Bulshada oo ku saabsan safar la sheegay in madaxweyne Farmaajo uu bari ku tagayo magaalada Addis Ababa ee wadanka Ethiopia.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo qoraal kooban soo dhigay Bartiisa Twitterka ayaa sheegay in safarada madaxweynaha ay yihiin kuwo daahfuran oo lala Wadaago warbaahinta,waxaana uu nasiib darro ku tilmaamay in Madax xilal muhiim ah ka soo qabtay dalka ay ku jaahwareeriyaan shacabka Soomaaliyeed xog aan sugnayn sida uu sheegay.

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxay warar la xiriira in madaxweyne Farmaajo uu magaalada Addis Ababa u tagayo ka qeybgalka heshiis iskaashi dhinaca ciidanka oo dhexmaraya dowladaha Ethiopia,Eritrea iyo Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *