Published: January 29, 2022
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/01/W-kuxigeenka-QorsheyntaPL-dhaarin-290122-1-1080x720.jpg)
Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xasan Cabdalle Xasan.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/01/W-kuxigeenka-QorsheyntaPL-dhaarin-290122-2-1080x720.jpg)
Madaxweyne ku xigeenka ayaa Wasiir ku xigeenka cusub oo uu dhaariyay Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed, alle uga baryay in uu u fududeeyo xilka, wuxuuna kula dardaarmay in uu sida ugu wanaagsan u guto waajibaadka shaqo ee loo igmaday.