Warsaxaafadeed: Mawqifka Koonfur Galbeed ee Doorashooyinka iyo Dhaarinta Xildhibaannada

Published: April 1, 2022

Baydhabo, 1da Abriil 2022: Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya wuxuu aad uga xun yahay habdhaqanka Guddiga FEIT, musuqa baahsan ee ka dhex socda iyo kala qeybsanaanta ku timid xubnaha Guddiga.

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed wuxuu u arkaa tallaabada uu qaaday Mudane Muuse Geelle Yuusuf ee uu ku bartilmaameedsaday kuraas deegaanno gaar ah laga soo doortay inay tahay mid sharci darro ah oo khilaafsan heshiisyadii iyo habraacyadii doorashooyinka.

Maadaama Guddiga uu lumiyay waajibaadkii loo igmaday iyo madaxbannaanidii laga sugayay, hoggaanka SEIT oo kaashanaya xubnaha Guddiga Hirgelinta Heer Federaal ee ka hawl galayay Koonfur Galbeed waxay si toos ah ugu wareejinayaan faylasha xildhibaannada Xoghayeyaasha Labada Aqal ee Barlamaanka JFS.

Koonfur Galbeed waxay xoojinaysaa in la dadajiyo dhaarinta iyo guda galka doorashooyinka, waxayna ka digeysaa tallaabooyinka lagu dheereysanayo muddo xileedka kaasoo ay ka shaqeynayaan qaar kamid ah xafiisyadii loo igmaday inay hawshan si hufan usoo gabagabeeyaan.

DHAMMAAD

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *