Wasaaradda Batroolka DF oo Golaha wasiirrada hor geynaysa xeerka maamulka ganacsiga Batroolka

Published: November 4, 2021

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay sameysay xeerka dareere hoosaadka oo lagu maamulayo ganacsiga Batroolka dalka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Batroolka ,Maxamed Xaashi Carrabey ayaa sheegay in ay la tashiyo kala sameeyeen maamulka Gobolka Banaadir, qeybo ka mid ah iskaashatooyinka shidaalka iyo rugta ganacsiga si ay iyaguna ula wadaagaan ganacsatada.

Maxamed Xaashi Carrabey, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Batroolka ayaa sidoo kale sheegay inay dhowaan soo gaba-gabayn doonaan xeerkaas iyo la tashigiisa intaa ka dibna ay u qeybin doonaan golaha Wasiirrada, isagoo xusay inay door ku yeelan doonaan maamul goboleedyada dalka.

Agaasimaha ayaa u mahad celiyay Ganacsatadii gacanta ku soo haysay maamulka shidaalka dalka xilligii dowlad la’aanta, wuxuuna xeerkani ku tilmaamay mid meesha ka saarayo sabbaynta sicirka shidaalka iyo kala duwanaashaha tayadiisa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *