Wasiirka Caafimaadka Oo Ka Warbixisay Xaaladda COVID19 Ee Dalka

Published: July 15, 2020

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa diiwaangelisay 7 kiis oo cusub oo ah COVID19 24kii saacadood ee lasoo dhaafay, taasoo wadarta guud ka dhigaysa 3,083kiis.

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya, Dr. Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay kiisaska cusub inay kala joogaan Somaliland 4, iyo Gobolka Banaadir 3 qof.

Dhanka kale Dr. Fowsiya ayaa sheegtay inay fayraska ka bogsoodeen 45 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 1,425.
Bukaannada cusub 6 ka mid ah waa rag 1-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay ma jirin bukaan u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 93 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *