Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Oo Ka Hadashay Badqabka Talaalka COVID-19

Published: March 21, 2021

Wasaaradda caafimaadka dowlada Federaalka Soomaaliya oo war kasoo saartay tallaalka dhawaan la keenay dalka ee OXFORD/ASTRAZENECA, kaas oo looga hortagayo cudurka COVID-19.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in Wasaaradda muddo isbuuc ah ay dabagal iyo xaqiijin ku waday tallaalka, kadib markii halis lagu sheegay oo ay hakiyeen qaar kamid ah dalalka Caalamka.

Wasaaradda ayaa sheegtay in tallaalkan ay baaritaano kala duwan ku sameeyeen hay’addo kala duwan oo Caafimaad oo ay qeyb ka tahay hay’adda caafimaadka aduunka WHO, isla markaana la xaqiijiyay waxtarkiisa, isla markaana dalalkii horey u hakiyay ee shakiga geliyay dib u bilaabeen isticmaalkiisa.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *