Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya oo deeq raashin ah gaarsiiysay Dhuusamareeb

Published: February 17, 2022

Wasaaradda Gargaarka iyo maareeynta  masiiboyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa deeq raashin ah oo loogu talagaley 216 qoys oo ah dadka Abaaruha saameeyeen soo gaarsiisay  magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.Gargaarkaan ayaa loogu talagalay dadka ay saameeyeen  Abaaraha baahsan ee kajira gobalada dalka, gaar ahaan deegaanada Galmudug .

Shukri Maxamuud Afrax, Wasiiru-Dowlaha  tamarta iyo biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo qeyb ka ah guddiga gurmadka Abaaraha dalka ayaa ku wareejisay deeqdan Wasaaradda Gargaarka Galmudug . Wasiirka Gargaarka Galmudug oo la wareegay deeqdan ayaa isna ku wareejiyay maamulka dhuusamareeb oo uu wakiil u ahaa Agaasimaha arrimaha bulshada Mudane Yaxye Maxamed Daahir.

Ugu dambeyn guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Galmudug Faadumo Faandhe oo qeyb ka aheyd Mas’uuliyiinta goobjooga ka aheyd la wareegida Gargaarkan ka yimid Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in kaalmadani aysan ku filney dadka reer Galmudug.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *