Published: September 5, 2021
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/09/2-6-1080x720.jpg)
Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowldda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta daah-furay qorista Buugaagta Dugsiyada Sare ee dowladda Puntand.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare shaqada wanaagsan ee ay ka qabatay kor uqaadida tayada waxbarashada iyo diyaarinta qorista buugaagta dugsiyada sare ee Puntland.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/09/2-5-1080x720.jpg)
Munaasabadda daahfurka waxaa ka qayblay Wasiirka iyo wasiiru dowlaha wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta sare, maamulayaasha iskuulada, macallimiin, masuuliyiin ka tirsan wasaaradda waxbarshada iyo marti sharaf kale.
Horseed Media