
Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdirahman Ducaale Beyle ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Abdi Sheikh oo ay ka wada hadleeyn dar-dargalinta dakhliga qeybaha Isgaarsiinta dalka.
“Waxa aan maanta kulan muhiim ah xafiiskayga kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Abdi Sheikh oo aan ka wada hadalnay dar-dargelinta dakhliga qeybaha Isgaarsiinta dalka, Waxaana naga go’an in aan horumarino wax soo saarka iyo fikradaha cusub ee wax tarka u leh dadkeena iyo dalkeena”.
Wasiir Beyle
Sidookale Wasiirka ayaa sheegay in ay muhiimad gaar ah u leeyihiin isku xirka bulshada Hey’adaha Isgaarsiinta dalka kobcinta dhaqaalaha iyo sare uqaadidda Dakhliga gudaha.
Horseed Media