Wasiir Sabriye : Dhaqanka ka muuqda Ahlu Sunna waa dib u noqosho iyo Fashilka Galmudug (VIDEO)

Published: November 3, 2019

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ku eedeeyay Ururka Ahlu sunna Waljamaaca inay caqabad ku yihein dhismaha maamulka Galmudug

Wasiirka oo ku sugan gobolka Galguduud ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqyada Ahlu sunna ah ay ka wadaan magaalada Dhuusamareeb ay dhaawac ku yihiin caasimadnimada magaaladaasi ee maamulka Galmudug, islamarkaana uu keeni karo fashil ku yimaada maamulka Galmudug.

“Dhaqanka ka muuqda ahlu Sunna ka Muuqdaa waa dib u noqosho, waxaanu leenahay walaalayaalow ha bariiqanina, jid wanaagsan ayaanu ku taagnayn, ha sababina inaad Galmudug fashilisaan” ayuu yiri Wasiirku

“ Annaga dowladda federal ahaan waxaanu ka shaqaynaynaa in wanaagii ahlu Sunna wada bilownay in lagu nqodo, la fariisano oo tabashooyinkooda guddiga, ma dhama xoogaa xildhibaano ha la siiyo ama guddi ha la iigu daro  qiimo istaahila  Galmudug lagu kala tago ma aha” ayuu sii raaciyay wasiir Sabriye oo dowladda federaalka uga masuul u ah dhismaha maamulka galmudug

Hadalka wasiirka ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa iyadoo khilaaf uu soo kala dhexgalay dowladda federaalka iyo Maamulka Ahlu Sunnah ee goboladda dhexe ee Somaliya.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale maanta kala wareegtay ururka Ahlu sunna Degmada Guriceel, ka dib halkaasi ay ka baxeen ciidamo taabacsan Ahlu Sunnah.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *