Wasiirka Difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale oo gaaray Magaalada Kismaayo

Published: December 25, 2022
Shares2

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubaland ku qaabilay Wasiirka Difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale.

Wasiirka ayaa booqasho iyo kormeer ugu yimid Ciidamada Kenya ee kamidka ah howlgalgalka ATMIS ee ka qeybqaadanaya howlagalada dhawaan ka bilaabanaya deegaanada Jubaland.

Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay diyaar garoowga loogu jiro sidii loo bilaabi lahaa howlgalka Kooxda Al-Shabaab lagaga saarayo deegaanada Jubaland iyo tageerada Ciidamada Dowlada Kenya ee ka midka ah howlgalka ATMIS ee qeybta ka ah howlgalada dhawaan bilaabanaya.

Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa si qoto dheer u lafa guray sidii looga wada shaqayn lahaa amniga xuduudaha mudada ay socdaan howlgaladan.

Horseed Media