Xaaladihii Ugu Dambeeyey COVID-19 Ee Soomaaliya

Published: March 30, 2021

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa diiwaangelisay 128 kiis oo cusub oo ah COVID19 24kii saacadood ee lasoo dhaafay, taasoo wadarta guud ka dhigaysa 11,292 kiis.

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya ayaa sheegtay kiisaska cusub inay kala joogaan Somaliland 41 qof, Puntland 32 qof, Jubaland 24 qof iyo Muqdisho 8 qof.

Dhanka kale wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay inay cudur ka bogsadeen 36 qof taaso oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigaysa 4,795.

Bukaannada cusub 68 waa rag. 60-na waa dumar, Waxaana 24-kii saac ee ugu dambeeyay Soomaaliya ugu geeriyooday Cudurka COVID-19, 11 qof, seddex kamid ah joogaan Muqdisho, 8da kalena Somaliland.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *