Xaduuda Rafah ee Masar oo loo furay Qeyb kamid ah dhaawaca iyo Falastiiniyiinta dhalashada ajnabiga heysta

1 November, 2023

Maanta oo Arbaca ah ayaa waxaa la furay xaduuda Rafah ee Gaza la wadaagto Masar, halkaasi…

Maanta oo Arbaca ah ayaa waxaa la furay xaduuda Rafah ee Gaza la wadaagto Masar, halkaasi oo ay gaareen gaadiidka caafimaadka oo lagu wado inay qaadaan in ka badan 80 dhaawacyada culus ee yaala isbitaalada Gaza.

Waxaa sidoo kale maanta loo ogolaaday inay Gaza isaga baxaan dadka Falastiiniyiinta ah ee heysta dhalashada ajnabiga kuwaasi oo gaaraya kumanaan.

Hase yeeshee Israel ayaa weli maamuleysa dadka ka bixi kara Gaza iyo dhaawaca la qaadi karo, si lamid ah nidaamka ay ku xakameenayso gargaarka la geenayo Gaza.

Tilaabadan ayaa u muuqata in Israel ay dooneyso inay isaga dajiso culeyska iyo cambaareynta uga imaaneysa Beesha Caalamka.

Furida xaduuda Rafah ee loo ogolaaday dhaawaca Falastiiniyiinta ayaa lagu beegay maalin kadib xasuuqii ay Israel ka geysatay xerada qaxootiga Jabaliya ee Gaza.

Horseed Media