Xasan Maxamuud Dhiblaawe oo ay dil ku xukuntay Maxkamadda Ciidamada

Published: February 15, 2022

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa dil ku xukuntay Xasan Maxamuud Dhiblaawe oo bishii Augost 2019 agagaarka tarabuunka ku toogtay marxuum, Maxamed Cawil Jaamac oo ahaa darawal Mooto Bajaaj.

Maxkamadda ayaa doodo dheer ka dib maanta go’aan ka soo saartay dacwadda loo haysto eedeysanaha, iyadoo Xasan Maxamuud Dhiblaawe ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta marxuum, Maxamed Cawil Jaamac.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukunsanaha iyo qareennadiisa siisay fursad ay ku dalban karaan racfaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *