Ciidamada Booliska gobolka Nugaal ayaa gacanta ku dhigey ku dhawaad 50kg oo maandooriyaha Xashiishka ah , taas oo lagu soo qariyey gaari nooca kuwa yaryar ah, sidoo kale waxaa la soo qabtey kuwii watey maandooriyaha.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/04/xashiishka.jpeg)
Ciidamadda Booliska oo helay xogta gaarigan ayaa xili uu marayay aaga xaafada Jillab ee Garowe gacanta ku dhigay gaarigan iyo Nimanki waday intaba.
Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud oo ka hadlay madashii lagu soo bandhigayay ayaa u mahadceliyay ciidamadii howlgalkan fuliyay iyo bulshadii xog bixiyaasha ahaa intaba.
Taliyaha qaybta Booliska Nugaal G/Sare Xussen Cali ayaa dhanka kale bulshada ugu baaqay inay ciidamada amaanka la shaqeyaan ciidamadana si wanagsan ula dhaqmaan madama ciidanka Booliiska uu yahay u adeegaha shacabka.
Isticmaalka maandooriyaha Xashiishka ama Kanaabista ayaa ku soo badanaya deegaanada Soomaalida, waxaana la sheegaa in ay jiraan beero dalka gudihiisa iyi dalalka deriska ahba.
Horseed Media