Xildhibaan Siibad: “Madaxweyne Deni ma waxa uu rabaa isaga Puntland wata in uu shaqo kale raadsado?”

Published: March 31, 2022

Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Maxamed (Siibad) oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland isla markaana ah guddoomiyaha UrurSsiyaasadeedka Mustaqbal ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland laga doonaayo in uu shaqeeyo Puntland 24 ka saacadood sidaasna loo dhaariyey, dastuurka Puntland ayuu sheegay markii la qoraayey qodobadiisa la xiriira Salaaxiyaadka madaxweynaha in aanu dastuurku arkeyn in Madaxweynuhu shaqo kale raadinaayo. Xildhibaan Siibad ayaa sidaas sheegay mar uu waraysi siiyey Radio Daljir.

Xildhibaan Siibad ayaa sheegay maqnaanta maxkmaddii sare iyo tii dastuurka la doonaayo in la helo fasiraado, waxaana uu ku taliyey in Madaxweyne Deni in uu si kumeelgaar ah u wareejiyo xilka, maadaama Puntland oo dhan aanu ku shaqa tegi karin.

Madaxweyne Deni oo xilka Puntland loo dhaariyey 8 Janaayo 2019 ayaa hadda doonayo in uu xil kale isu sharaxo , waxaana si weyn loogu kala aragti duwan yahay qaabka Puntland noqoneyso mudada uu ololaha ku jiro Siciid Deni.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *